QoorQoor, Lafta-gareen & Waare oo gaaray Muqdisho, kulana la leh Beesha Caalamka

Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle oo soo gaaray Muqdisho ayaa shir kula leh qeybta VIP-da ee Garoonka Diyaaradda Wakiilada Beesha Caalamka oo ay hormuud u yihiin Safiirka Mareykanka iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Saddexdan Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galla shir ay u dhan yihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaddib markii maanta Baydhabo ku yeesheen shir wadatashi saacad qaatay.