Tigray-ga Itoobiya oo u dareeray maanta Doorasho

Dadka kunool gobolka Tigray, ee woqooyiga Itoobiy ayaa saaka u dareeray inay u codeeyaan doorashada deegaanka, iyagoo diidan dowladda federaalka iyo muddo kordhinta uu sameystay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, taas oo sii kordhinaysa xiisadaha siyaasadeed ee waddanka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Madaxwaynaha Tigreega, Dr Debression oo madashii codbixinta ka hadlayay ayaa yidhi:- “Maanta kaliya maalin Doorasho nooma aha,Waa maalin aan xaqiijinay madax banaanida iyo innaan gooni isku maamulno. Taliskii dhargiga waxaan kaga guulaysanay innaan annagu ismaamulno oo ay tallada gacanteena ku jirto.”

Dr Debression oo haddalka siiwata ayaa yidhi:- “Caabuqa Corona inta laga cabsado looma baahno in mudda xileedka la dheeraysto, wax kasta shacabkaa ka muddan kana sareeya, Go’aanka kama dambaysta shacabka ayaa iska leh,dadka Doorashada Tigreegu waa siddan iyo waa siddan kuhaya waa kuwo aysan ka dhaadhicin. Hannaankii kaligii taliska ahaa marnaba looma noqonaya,ma jirayso warqad intaan qorno aan ku codsan doono in la aqoonsado Doorashada, go’aankasta halkan ayaa lagu gaadhayaa.”.

Iskusoo duubo Debression wuxuu leeyahay,Abiye Ahmed aqoonsi ugama baahnin.