Hoobiyayaal caawa lagu garaacay agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia (VIDEO)

Tiro hoobiyaal ah ayaa caawa lagu garaacay dhowr degmo oo kamid ah magaalada Muqdisho, sida Shangaani, Waabari, Wardhiigley, Xamar Jajab iyo gooba kale.

Madaafiicda ayaa sidoo kale lagu garaacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya oo saacadihii la soo dhaafay lagu qabtay shirar gaar gaar ah oo ku saabsan amniga iyo doorashooyinka Qaranka.