Madaxweyne Farmaajo oo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo goor-dhaweyd wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Cabdinuur ayaa ka horay u hayay xilka Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha iyo Afhayeenka Madaxtooyada, jagadaas oo uu hayay tan iyo markii uu Madaxtooyada ku soo biiray sannadkii 2017 kii.