Puntland oo daah-furtay Mashruuc sare loogu qaadayo Fayadhowrka Biyaha (Sawirro)

Maareeyaha guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Mohamed Abdulkadir Mohamed ayaa daahfuray mashruuc ku saabsan kor u qaadista biyaha iyo fayadhowrka ee dadka ay saameeyeen colaadaha iyo abaaraha.

Mashruucaan oo uu maalgeliyey Sanduukha Tabarucaadka ee King Salmaan ayaa fulinaya hay’adda NRC iyadoo kaashanaysa Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland.