Guddoomiyihii Rugta ganacsiga Jubbaland oo lagu dilay Qarax Ismiidaamin ah

Qarax Ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland, iyadoona lala beegsaday dad kasoo baxay Masjid salaada jimcaha kaddib.

Qaraxan oo uu fuliyay qof naftiis hure ah ayaa bartilmaameedkiisu ahaa Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin, kaas oo u geeryooday goor-dhaweyd dhaawac kasoo gaaray Qaraxan, sida ay sheegayaan wararku.

Sidoo kale, Isbitaalka magaaladda Kismaayo ayaa lagaarsiiyay ku dhawaad 10 qof oo ku dhaawacmay qaraxa Is-miidaaminta ah.