Ciidanka Jubbaland oo gacanta ku dhigay Miinooyin (Sawirro)

Ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay Bambooyin ay kooxda Al-Shabaab ku qarsadeen dhul bacaad ah oo katirsan xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Howlgalkan ayey ciidanku qaadeen kaddib markii dadka deegaanka ay kusoo wargeliyeen in walxahan qarxa oo ay argagixisadu maleegayeen in ay shacabka ku dhibaateen in ay arkeen goob ay argagixisadu ku qarsadeen Bambooyinkaan halista ah.

Ciidanka Jubbaland ayaa kordhiyey howlgalada ay ku fashilinayaan weerarada kooxda Al-Shabaab, waxayna saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigeen dadka looga shakisan yahay in ay xiriir la lee yihiin kooxda Al-shabaab.