Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, kaddib Safar uu Shalay ku tagay Magaalada Kismaayo halkaas oo uu kaga soo qaybgalay Aaska Allah ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Muqdisho uga qaybgali doona shirka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga hadlayo sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorasho la isku raacsan yahay.