Puntland oo shaacisay kiisas cusub oo COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay 6 kiis oo cusub oo cudurka COVID-19, kaddib baaris maanta lagu sameeyay 47 qof oo looga shakiyay xanuunkan safmareenka ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 6 ruux ee xanuunka laga helay oo dadoodu u dhexeyso 24 illaa 60 sanno jir, ay 4 kamid ah ku nooshahay magaalada Boosaaso, halka 2 kalena joogaan magaalada Garoowe.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in 4 qof ay maanta ka bogsadeen xanuunka COVID-19.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka COVID-19 gudaha degaanada Puntland ayaa hada gaartay 411 qof, waxaa u geeryooday 9 qof, halka ay ka bogsadeen 212 qof.