TPLF oo doorashadii Tigreega ku guulaysatay

Doorashadii Deegaanka Tigreega ee Itoobiya,waxaa si aqlibayad leh ugu guulaystay Xisbiga TPLF.

Si nabad ah oo xor ah ayay kusoo idlaatay doorashadaas.

Tigreegu hada waxay diyaarinayaan qorshe ay Xildhibaanada Deegaankooda laga soo doortay aysan qayb uga noqon Labada Aqal ee Baarlamaanka Itoobiya.

Sidoo kale waxay ku dhawaaqi doonaan in Dowlada Abiy ay tahay mid dhacday oo sharci daro ku joogta mudo xileedkeediina dhaaftay.

Tigreegu waxay ku baaqi doonaan kulan Qaran oo looga tashanayo xaalka dalka iyo sidii Dowlad loo dhisan lahaa.

Abiy waxuu dib udhigay doorashadii Dalka,iyadoo mida Tigreega ay ju ahayd Xabad Wadnaha uga dhacday.

Sida muuqata Itoobiya waxay qaaday Wadadii kala qaybsanaanta.

Jibril Qoobey.