Deni oo diiday kasoo qaybgalka Mahdi Guuleed ee Shirka Xamar

Madaxweyne Deni waa diiday in Shirka uu kasoo qaybgalo Mahadi Guuleed ku simaha Ra’isalwasaaraha.

Farmaajo si gaar ah,ayuu Deni uga codsaday in uu ogolaado kasoo qaybgalida Shirka ee Mahdi Guuleed.

Puntland waxay taagan tahay ka hor wada xaajoodka waa in Ra’isalwasaare la helaa,iyadoo ka duulaysa laba arimood…

1.In Dowladnimada la ilaaliyo oo aan xadgudub nidaam dhicin.

2.In la helo masuul Umada ka gadmi kara,isla markaana hawlahan masiiriga ah ee xiliga kala guurka ah taagan lagu aamino.

Go’aanka Puntland waxaa ku raacay Jubaland.

Shirkuna hada waxaa la oran karaa si dadban,ayuu uhakaday maadaama shalay aan waji fiican lagu soo kala tagin.

Way dhici kartaa in uu dib layskugu soo laabto markale maanta.

Jibril Qoobey.