Mahdi Guuleed oo weli loo diidan yahay ka qaybgalka Shirka

Ilo lagu kalsoon yahay,ayaa sheegaya in shalay & maantaba weli aan la’isku Af-Garan kasoo qaybgalka Shirka ee Mahdi Guuleed.

Kusimaha RW-ha, ahna ku-xigeenka, ayay wararku sheegayaan inuu isku dayay ilaa maanta in uu qayb ka noqdo Shirka socda, taasoo ay horay udiideen Puntland iyo Jubaland hadana ay kusoo biireen diidmadaas Gal-Mudug iyo Hir-Shabeelle.

Mahdi Guuleed galaangal siyaasadeed iyo dadaal Farmaajo gadaal ka riixayo,ayuu wadaa si uu ufariisto kursiga RW ee Shirka.

Jibril Qoobey.