Shirkii Muqdisho oo maalinkii labaad soo xirmay

Shirkii Madaxda Somalida goor dhawayd,ayaa lagu soo kala dareeray maalinkii labaad.

Qodobo laysku raacay majiraan si waadixa.

Dooda ugu adag ee umuuqatay in Shirku laba garab yahay waxaa soo jeedisay Puntland.

Dooda Puntland salkeedu waxuu ka bilaabanayaa in Dhuusamareeb-3 waxii kasoo baxay aysan waxba ka jirin.

Puntland waxay miiska soo saartay dood adag oo dhawr qodob ka kooban…

1.In doorashadu ay ku dhacayso wakhtigeeda.

Qodobkaas sida muuqatay cid hadal ka keentay majirin.

2.In doorashadu ka dhacayso caasimadaha D.Goboleedyada.

Qodobkaas waxaa ku raacay Jubaland iyo Galmudug,iyadoo K.Galbeed ay ka aamustay.

2.In Gudiyada doorashada ay dhisanayaan D.Goboleedyada,iyadoo Dowlada dhexe ay wakiil ku yeelanayso ama in Gudiga hada jira ee heer Fadaraal hogaamisana Xaliimo Yarey lakala diro oo la dhiso mid loo dhan yahay.

Qodobkaas waxaa ku raacay Puntland maamulka Jubaland.

3.In wax Xisbiyo la yiraahdo aysan ka qayb galayn doorashadan maadaama aysan sharci ahayn oo Madaxweynihiiba uusan Xisbi lahayn.

Qodobkaas waxaa ku raacay Puntland maamulada Jubaland,Galmudug iyo Koonfur-galbeed.

4.In Xildhibaanada beesha Isaaq loo madaxbaneeyo Isimadooda oo aysan Dowlada Fadaraalku faragalin,waxayna Puntland goobta ka sheegtay in dacwad ay ukeeneen Xildhibaano ay hormuud u yihiin Xuseyn Carab Ciise iyo Fawsiyo Xaaji Aadan.

Qodobkaas waxaa ku raacay Puntland maamulka Jubaland.

Doodu halkaas ayay taagan tahay,iyadoo Farmaajo diidan yahay dooda Puntland hogaaminayso.

Shirku waxuu socon doonaa sida la saadaalinayo ilaa Todobaadka danbe.

Jibril Qoobey.