Video:-Golaha Wasiirada Fadaraalka ma lagu tilmaami karaa kuwo Diinta ka baxay??

Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 2aad farqadiisa 3aad waxay dhigeysaa sida tan “ Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda.”

Sidoo kale qodobkiisa 3aad farqadiisa 1aad wuxuu leeyhay “ Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNKH), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada.”

Waxaa la yaab leh in masuuliyiin lagu aaminey xilal waa weyn kuna dhaartey ilaalinta dastuurkan in ay la soo taagan yihiin waxaan waafaqsanayn dastuurka aan sharci ka dhigano.

Qodobkii 4aad ee hindise Sharciyeedkii ay soo gudbisey Wasiiradda haweenka ee uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka kulankii maanta ka akhriyey wuxuu daliil u yahay, in dalkeena uu khatar ku jiro loona baahan yahay cida masuuliyadaha dalka lagu aaminaayo in la baaro inta isaga/iyada aysan qaban masuuliyadaha heerkaas la’eg.

Gudoonka Golaha Shacabka BJFS wuxuu waajib ka saaran yahay hubinta sharci walba ka hor inta aan la hor keenin Golaha Shacabka, si loo xaqiijiyo waafaqsanaanta Dastuurka Ku-meel gaarka ah, wixii aan waafaqsanayn Dastuurku Gudoonku wuxuu xaq u leeyahay in uu dib u celiyo ama lagu wareejiyo cidii soo sixi lahayd.

Culumadu markii arrintaan loo gudbiyay, waxay sheegeen In Golaha Xukuumadda ee ansaxiyay sharcigaas ay Islaanimadoodu sax ahayn, nusqaan waynna ay ka muuqato.

Halkan ka daawo muuqaalka