Dunuubta laga galay Ardayda Puntland: Ya Daweyn kara?

Hadal haynta Is-afgaranshawaga Puntland iyo D/Federalka eek u aadan waxbarashada ardada Puntland iyo shahaadooyinkooda ayaa soo jiitamtay. Mudo sadex sano ah shahaadadii dugsaga sare ardo taro badan ayaa loo diiday. Wasiirka Waxbarashada Federalka oo taageero ka haysta R/W dhacay iyo M/W Farmajo ayaa ka masul ah diidmada shahaadooyinka ardayda. Arinkaas waa dambi qaran!

Inta hada uu M/W Deni joogo Muqdisho ayaad moodaa in dodo badan arintan laga qabtay. Runtii waa dodo loo baahnaa. Waxse aad moodaa in, iyada oo lagu soo gabanayo Axdi-Qarameed qabyo ah, dadka qaarkood kaba dhigaan doorka Dawlda Dhexe in uu la mid noqdo amaba ka weynaado kan Dawlada Puntland eek u aadan arimaha waxbarashada.

Axdiga qabyada ah ee Soomaaliya u qoran si kooban ayuu uga hadlayaa Waxbarashada (Qodobka 30 (1-8). Farqada lixaa (6) ayaa ugu dhow in Dawlada Federalku door ku yeelato oo odhanaya sidaan: waa in Dawlada Federaalki keentaa standard ama wax isku jaang’an oo wadanka oo dalka oohdan laga wada isticmaalo. Arintaasi inaba ka ma dhigna in Dawlada dhexe sii guda gasho habka wax barasho, nidaamka imtaxaanada loo qaadayo, iyo shahaadada cida bixinaysa.

CabdiNuur Sheekh oo Wasiirka Waxbarasha soo ahaan jiray ayaa asigu, si uu dood ah in Federaalku qay libaax ku yeesho arimaha wax barashada iyo shahaado bixinta Muqdishu, soo qaatay waayo aragnimada Dalkan Mareykanka oo ah dal faderaal ah. Waxa uu sheegay in 1980 wixii ka dambeeyey door weyn dawlada federaalku ka qaadatay arimaha waxbarashada. Maxaa ka jiraa arintaa?

  1. Wasaarada Waxbarashadu waa tan ugu yar 15 wasaaradoo ee Maraykanka inkasta oo cadadka kharjigeedu yahya kan 3aad (3rd largest budget). Shaqalaheeduna inta badan waxay maamulaan lacagaha iyo mucaawimada ay federaalku siidao Gobolada iyo waalidiinta dalka oo dhan joogta.
  2. Axdi-Qarameedka Mareykanka ku ma jirto qodob ka hadlaya waxbarashada. Isla markaana wasaarad loo qoondeeyey waxbarasho oo axdigu ka hadlayaa haba yaree ma jirto. Waxa kaliy oo jira 14th amendment ama fasiraada 14th oo layidhaa Equal Protection Claus, 1954 Brown v. Board of Education – Waxa uu go’ankan Maxkamada Sharciga aha (Supreme court) goaamisay in loo sinaado fursada iyo helida wax barasho.
  3. Hadafka (mission) wasarada Waxbarashad Mareykanu waa in ay taakulayso qoysaska caruurtoodo wax baranayaa, in lagu dadaalo sii loo fidin lafida lahaa fursada waxbarasho (waa arimaha keena caawimaadka ay Federalku siiso waxbarashada dugsiyada hoose-dhexe iyo Sare. Kuliyadahana lacago danyarta la soo iyo iyo aamaahyo ayaa Federalku ku caawisaa D/Goboleedyada).
  4. Waxa hadafka Wasaarada Waxbarashada ka mid ah aakulanyta iyo garab galida culuunta sare sida cilmi baadhista oo inta badan jaamacaduhu qabtaan. Wax faro gaelin ah ooh aba wax loo dhigo ama shahaadooyinka la bixiyo ay dawlda dhexe ku leedahay majirto.
  5. Marar ayaa dhacd in laga wada tashado habka carriculmka ama manaahijta guud loo dajinayo. Waxase federaalku arintan si buuxda uu uga dambeeyaa Dawlad Goboleedyada ama States.
    Dambi qaran ayaa ardayda Puntland laga galay. Waxa ka galay MW Farmajo, PM Khayre, iyo Wasiir Qodox. Waxa kale oo aan aadu ugu xumahay aqonyahaniinta si dadban dadaalka ugu jirta dib’usoocelinta Dawlad Dexe oo wax kasta iyadu xeeris.

Sadex shahoodo iyo dhowr certificate (ilaa 10) ayaan ka qaatay Mareykanka ilaa 1986. Meel kaliya oo shaqsi faderaalka u shaqeeyaa ku saxeexanyahay maan arag. Shahaadooyinka jaamacadaha waxa saxeexa Governorka. Kan Dugsiga hoose/dhexe iyo Sare waxaa saxeexa Agaasimaha Degmada iyo Isuduwaha )Distict Commissioner). Xataa Duqa magaaladu ma xaxeeso. Kalifornia oo keliya ilaa 8 noocyaal oo jaamacado oo kala duwan ayaa ka jira (kuwo D/Goboleedku 100% leedahay, ku 25% Dawlad Goboleedku lee dahay iyo 100% anay kumi iyo taano ku lahayn) hadana intuba ictiraaf iyo shahaadooyin u gaar ah ayey leeyihiin.

Dawlda Puntland ayaa looga fadhiyaa in ay la timaad talo ka turjumaysa hamigii loo aasaasay Puntland state 1998 iyo samata bixinta ardadeeda. Rag la mid ah M/W Farmajo. PM Khayre, iyo Qoodax oo kale in laga dambeeyo waxay gaf kutahay himiladii rer-Puntland u yagleeleen Puntland State.

Waxaan isleeyahay waxa lagaadhay xiligii dacwad calami ah lagu soo oogi lahaa sadexda mas’ul ee ishortaagay mustaqbalka caruuta Puntland.

FAYSAL ROOBLE.