Maxaa kasoo baxay kulankii Deni iyo Farmaajo?

Kulankii xalay ee Deni iyo Farmaajo waxaa kasoo baxaya xogo hordhac ah oo muujinaya horumar in la sameeyay.

Farmaajo waxaa loo ogolaaday hal Qodob oo ah in Ergada dooranaysa Xildhibaanada ay noqoto 101.

Hal Qodob labada dhinacba tanaasul bay ka sameeyeen,kaasoo ah Gudiga doorashada,waxaana laysku raacay in kan hada jira ee Xaliimo Yarey lakala diro mid cusubna lawada samaysto.

Qodobka goobaha doorashada ka dhacayso waxaa tanaasul ka sameeyay Farmaajo oo waxaa loo daayay Dowlad Goboleedyada in ay iyagu diyaariyaan.

Qodobadaas hordhaca ah oo ay wax iska badali karaan,ayaa wararku soo sheegayaan.

Waxaa Warku sii raacinayaa intaas in ay dhici jarto caawa ama beri in Shirku soo xirmo karo.

Sidaa haday dhab noqoto horay,ayaa loo dhaqaaqay.

Jibril Qoobey.