Deni oo guul siyaasadeed kasoo hoyay dagaalkii Farmaajo

2-sano,iyadoo Farmaajo mudo xileedkiisa ay uga hartay,ayuu talada Puntland qabtay.

Hal habeen Xamar waa diiday in uu si liidata ku tago,isagoo maqaam leh mooyaane.

Jubaland buu si adag uga difaacay Farmaajo oo la garab istaagay hiil iyo hoo.

Dhuusamareeb,ayuu gogol dhigay oo markii ugu horaysay Maamuladii iskugu geeyay.

Heshiis khasbay Farmaajo in uu miiska yimaado,ayuu kasoo saaray Dhuusamareeb,isagoo farsama walba adeegsanaya.

30-kii Qodob ee Dhuusamareeb-3,ayuu hal bacaad lagu lisay ka dhigay.

Burhaantii Puntland intuu muujiyay oo Ilmo Gareen awoodooda tusay,ayuu Xamar si maqaam leh uga soo dagay.

Dadkii,ayuu Farmaajo ka hor keensy oo tusay waxa uu yahay.

Farmaajo waxuu ka fashiliyay qorshihiisii doorasho iyo mudo kororsigii uu diyaarsaday.

Ugu danbayna 15-Qodob oo aad moodo in uu gacantiisa kusoo qortay,ayuu Xamar kala anba baxayaa.

Caawa Madaxweynaha dadban iyo Ninka ugu awooda badan Jamhuuriyada Somaliya waa Deni.

Jibril Qoobey.