Dhalinyaro Talefoonada furata oo ka dilaacay Xaafado ka mid ah Gaalkacyo

Wadada Hotel Guure,Suuq-yare reer khalaf ilaa Laamiga kuweyt ee Gaalkacuo lama mari karo xiliyada habeenimada.

Xalay oo ugu danbaysay 3-Telefoon ayay uga qateeen Tuugadu Dad halkaa marayay.

Dhalinyaro koox koox ah oo abaabulan,ayaa fulinaya hawlahan iskugu jira Mopile furashada iyo Jeeb baarashada.

Dhanka kale waxaa dansan Layrarkii Solar-ka ku shaqaynayay ee Wadadaas,kuwaasoo qayb ka qaadan jiray amaanka.

Xogahan waxaan ka helnay Dadkii ay baarteen Dhalinayaradaas.

Waa muhiim in Booliska Mudug talaabo qaado deg-deg ah dibna usoo celiyo roondadii hakadka lagaliyay.

Jibril Qoobey.