Ciidamada Puntland oo Shabaab dhabarka ka jabiyay

Alshabaab waxay si weyn ugu jabeen dagaaladii ugu danbeeyay ee dhexmaray Ciidamada Puntland.

Sida ilo amaan oo lagu kalsoonaan karo ii xaqiijiyeen Buuraha Bari ee Ciidamada Puntland ay kula dagaalamayeen Alshabaab waxaa hada kasii dhamaanaya Maleeshiyada Shabaab,iyadoo ay ku hareen koox yar oo firxad ah oo aan isla socon.

Sida xoguhu sheegayaan Maleeshiyada Shabaab waxay intoodii badnayd galeen Somaliland.

Puntland sanadkii ugu danbeeyay waxay qaaday hawlgalo Magaalooyinka gudahooda iyo Banaanka ah oo lagula dagaalamayo argagixisada.

Jibril Qoobey.