Ciidankii Dowlada hoose Ee Gaalkacyo oo lakala diray

Duqa Magaalada Gaalkacyo waxuu soo afjaray hawl in mudo ah taagnayd.

Meesha waxuu ka saaray Ciidankii ku magacawnaa Dowlada hoose balse sida khaldan ushaqaynayay.

148-Askari,ayaa ku Diiwaangashanayaa Ciidanka Dowlada hoose ee Gaalkacyo.

38-Waxay ku Diiwaangashanaayeen Dhimasho.

12-Waxay ku diiwaan gashanaayeen Dhaawac.

98-Askari,ayaa ku Diiwaan gashanayaa in ay shaqo ku jiraan,balse 58,ayaa soo xaadiri jirtay.

Hawlaha inta badan ay qaban jireen waxay ahayd Canshuur ururin,taasoo keentay musuq baahsan oo Talyaha Ciidamada Dowlada hoose ka dhigtay Duq labaad.

Arimaha ay ku dhaqaaqeen ee khatarta leh waxaa ka mid ah..

1.In ay Gaadiidka kala wareejinta ka qaadaan lacag yar oo aan Khasnada lagu shubin.

2.In Ganacsiga Wadooyinka hareeraheeda ku yaal iyagu iska maamushaan.

3.In Talyaha Ciidamada Dowlada hoose Walaalihiis iyo Aabihiis ka mushahaar qaataan.

Isku soo wada duuboo si dhamaystran,ayaa loo kala diray Ciidankii Dowlada hoose looguna wareejiyay Daraawiishta intii soo xaadirtay.

Amaanka xarumaha Dowlada hoose waxaa la wareegay Booliska caadiga ah.

148×100=14800,ayaa bil walba ubaaqanaysa Dowlada hoose,taasoo ay sii dheerayd lacagta musuqa ay ku lunsadaan.

Duqa Gaalkacyo bogaadin buu ku mutaystay talaabadan.

Jibril Qoobey.