Maalinta Nabada Oo Gaalkacyo laga xusay

Tartan Orod oo lagu waynaynayo maalinta Nabada loona xushay sanadkan in lagu qabto Gobolka Mudug ayay PDRC soo abaabushay.

Xuskan waxuu dhiirigalin u yahay dhalinyarada Gaalkacyo ee labada dhinac.

Gaalkacyo waxay si weyn uga soo kabatay amni daro baahsan oo dib udhac ku riday.

Maamulka Madaxweyne Deni,ayaa lagu amaanay sida uu uga hawlgalay Gobolka gacantana ugu dhigay amnigiisa iyo maamulkiisa.

Maanta Gaalkacyo waa Nabad,waxaana kor ukacay Sicirka Dhulka iyo Kirada Guryaha,iyadoo Maalgashi la dareemi karo ka bilowday.

Jibril Qoobey .