Muxuu daarnaa war saxaafadeedkii beesha caalamka ee Shirka Muqdisho?

Luuqada uu Ku Qoran yahay War saxaafadeedku Waa Garowsho Jimlada xisaabteeduna eraygaas ayay Ku jirtaa.

Hadaan Fasiraad Ka bixiyana Beesha Caalamku Waxay cadeeyeen Yoolkii Doorasho ee lagu balamay 2018 lana rabay in ay ku hir gasho Sadex sano in ay si ula kac ah U Qabyowday,waxaana eedaas iska leh Kooxdii Qoraafka iyo Maalaayacniga ku badalatay wixii loo igmaday,sidaas awgeed waxay Garowsho iyo cudadaar siiyeen waxa hada Laga badin waayay ee dantu kaliftay ee Faraha cidida leh lagu go’aanshay.

Qodobkaas ayay Garowsadeen waayo lamo dhaafi Karin.

Beesha Caalamku waxay carabka ku dhufteen Qorshayaashii hor tabinta Qaranka ee la rabay in ay Dhowrkii sano ee la soo dhaafay laga kulmo,balse N&N Miiska hoostiisa ay galisay,ayaa kala ahaa…

1.Dhismaha hay’adii Garsoorka
2.Dhismaha ciidankii Qaranka
3 Qorshihii Amniga Qaranka
4.Nidaamkii Fadaraalaynta Dalka
5.Dhamaystirka iyo dib u eegista Destuurka
6.Samaynta Qorshihii iyo istaraajiyadii Shaqaalaha Dalka.

Dhamaan umuurahaas oo uwada baahnaa Heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay ayay codsadeen in Laga tashada hada.

Abdishakur A.Timo