Axmed Karaash oo qaabilay wafti ka socda Qaramada midoobey

Garoowe: 23 September 2020: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada ku qaabilay wafti ka socda Hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Mr. Tim Filip Ros oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda.

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali iyo masuuliyiin kale waxaana looga wada hadlay kaalmada Bini’aadantinimo iyo dadka ku waxyeelooba colaadaha hubaysan ee ka dhaca deegaanada kala duwan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sarkaalka ka socday Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda iyo shaqada ay ka wadaan Puntland.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.