Maxaa looga xaajooday Shirkii Golaha Wasiirada Jubaland?

Madaxwayne ku-xigeenka DG Jubbaland ahna ku simaha madaxwaynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulankan maanta waxaa lagaga hadlay xaaladda amniga, Arimaha siyaasadda ee DG Jubbaland iyo xaaladda guud ee dalka.

Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

Shirka golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidookale warbixin lagaga dhageystey Wasaaradda Beeraha DG Jubbaland, Wasaaradda Caafimaadka DG Jubbaland, Wasaaradda Haweenka, Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka DG Jubbaland.

Gabagabadii shirka Madaxweyne Kuxigeenka iyo mas’uuliyintii kale ee kasoo qayb gashay shirka ayaa soo dhaweeyay magacaabidda Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.


Waxayna Alle uga baryeen Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu la garab galo shaqada Culus ee loo igmaday.

              .......DHAMMAAAD......