Madaxweyne Deni oo ku Jimcaysanaya Baydhabo Janaay

Baydhabo: 25 September 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta booqday deegaanka Maanyafuulka Baydhabo gaar ahaan beerta Cali Marguus, Dhismaha Madaxtooyadii hore ee Baydhabo iyo Biya-dhaca loo dalxiistago ee Gerbooda Baydhabo.