Ciidan cusub oo gaaray Mudug

Cutubyo ka mid ah Ciidamadii Birmadka Booliska ee dhawaan tababarka kusoo qaatay Dugsiga Xorgoble,ayaa soo gaaray Gobolka Mudug caasimadiisa Gaalkacyo.

Ciidankan oo wata Gaadiid iyo Qalab kale,ayaa lagu soo dhaweeyay duleedka Magaalada.

Sida qorshuhu yahay,waxay badali doonaan Ciidamadii halkaas ujoogay hawlgalada ee Badda.

Maalmo ka hor,waxaa Gaalkacyo ka anba baxay Askar 80-ah oo tababar ugu xarooday Xorgoble.

Sidoo kale maalmaha soo socda waxaa ka anba bixi doona Mudug ku dhawaad 150-Askari oo Boolis ah,kuwaasoo iyaguna tababar uxaroon doona.