Rooble oo la kulmay Diblomaasiyiinta Shisheeye

Kulanka Ra’isalwasaaraha iyo Diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ku sugan,waxaa heer hoose uga soo qaybgalay Safaaradaha Qatar iyo Turki oo usoo dirsaday ku xigeeno kulanka.

Dadka la socda Diblomaasiyada Dalka waxay xaqiijinayaan in dhaqankaas uu yahay mid soo jireen ah oo ay ku sameeyaan si joogta ah madaxda Dowlada Fadaraalka.

Ujeedka Safaaradahaas,ayaa ah in ay si keli keli ah ula kulmaan Madaxda kadibna dalabaadkooda u muuqda kuwo aan la diidi karin ay hor dhigaan.

Qatar iyo Turki waxay isku arkaan Mulkiilayaal mudan in si gaar ah loo tixgaliyo.

Balse hab dhaqankaas waxuu ilhaamo ku yahay Dowladnimada Somaliya.

Jibril Qoobey.