Erdogan oo si cad ushaaciyay in uu Taageerayo Azerbaijan

Turkiga ayaa sheegay inuu ku taageeri doono Azerbaijan wax walboo daruuri ah iyadoo uu dagaalku Isniintii galay maalintii labaad kaasoo udhaxeysa Azeri iyo xoogaga Armenia ee isku heysta deegaanka Nagorno-Karabakh, taasi oo calaamad u ah in isku dhacu sii balaaran karo.

Isniintii ayaa waxaa la arkayay ciidamada Azeri iyo kuwa Armenia oo is weydaarsanaya madaafiic culus, oo midba midka kale ku eedeynayo inuu bilaabay dagaalka Axaddii.

Goobjoogayaashu waxay ugu yeereen dagaalkii ugu dambeeyay ee Nargono Karabakh, mid ka jira gudaha Azerbaijan laakiin ay maamulaan qowmiyadaha Armenia, waana kii ugu xumaa tan iyo 1990-meeyadii.

Warbixinnada goobjoogayaasha ayaa sheegaya in tirada dadka dhintay oo ay ku jiraan dad rayid ah ay ka badan tahay 20 qof iyo ugu yaraan 100 dhaawac ah.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa si deg deg ah uga hadlay taageeradiisa Azerbaijan, isaga oo ku tilmaamay Armenia inay tahay “halista ugu weyn ee nabada gobolka. Hogaamiyaha Turkiga ayaa ugu baaqay “guud ahaan caalamka inay Azerbijan ku garab istaagaan dagaalka ay kaga so jordeedaan duulaanka iyo naxariis darrada.”

VOA