Shir uga socda madaxda Somalida Villa Somaliya

Madaxweynaha Fadaraalka,Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,ayaa caawa shir uga socdaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya.

Kulanka,ayaa looga hadlayaa dhismaha Guddiga doorashada heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, dhismaha Guddiga Xalinta khilaafaadka jaangoynta waqtiga doorashada iyo waajibaadka Guddiyada la magacaabayo sida ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen.

Waxaa isaguna kulanka goob joog ka ah Ra’isalwasaaraha cusub ee somaliya Rooble.

Marka uu kulanku soo gaba gaboobo,ayaa saxaafada loosoo gudbin doona Ajandaha iyo Gudiga doorashoonyinka ee lagu heshiiyay.

Kulankaan,ayaana ah mid saxaafadu dibad joog ka tahay.

Jibril Qoobey.