MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA AMIIRKII KUWAIT

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA AMIIRKII KUWAIT

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, ayaa Dowladda iyo Shacabka Dalka Kuwait uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii dalkaasi Kuwait Sheikh Sabaax Al Axmed Al Jaabir Al Sabaax oo maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dalka Mareykanka.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u ogsoontahay Dowladda Kuwait mahadna uga haysaa, gargaarka bani’aadanimo iyo Mashaariicda horumarin ee lagu najaxay sida Airportka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan oo lagu hirgeliyay ogolaanshaha AHUN Amiir Shiikh Sabaax Al Axmed.

Madaxweyne Deni ayaa Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan Dowladda iyo shacabka Kuwait, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii, uu ka baxay marxuumku.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND