Isimada Puntland oo intooda badan ka hor yimid go’aanka Galkacyo loogu diiday goob doorashada

Madasha Garacad oo ay wada fadhiyaan dhamaan Isimadii oo uu shir Gudoominayo Boqor Burhaan,ayaa la hadlay Deni waxayna ugudbiyeen go’aankooda.

Isimadu waxay Deni usheegeen in aysan macquul ahayn in Gaalkacyo la dhaafiyo doorashada oo ugu yaraan 11-Xildhibaan lagu soo doorto Mudug.

Deni cadaadis dhan walba ah,ayaa fuulay,waxaana la hakiyay warqadii soo bixi lahayd,iyadoo ay ubadan tahay in wax laga badalo Goobaha Doorashada.

Guud ahaan haldoorka Puntland hawadaan cadaadiska Deni lagu hayo.

Dhawrkii saac ee udanbeeyay Deni waxaa fuulay culays aan caadi ahayn.

Jibril Qoobey.