Faallo:-Axmed Madoobe guul kula laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam dib,ayuu ugu laabtay Kismaayo kadib mudo uu ku sugnaa Muqdisho.

Axmed Madoobe oo ay ka muuqato farxada guusha uu lasoo laabtay,ayaa waxaa garoonka Sayid Maxamed ee Kismaayo kusoo dhaweeyay M-xigeenada iyo Wasiirada Jubaland.

Axmed Madoobe guulo la taaban karo,ayuu kala soo guryo noqday Muqdisho,kuwaasoo laga xusi karo….

1.Mudo xileedkiisa oo sharciyoobay.
2.Khilaafkii G.Gedo oo uu guul ka gaaray
3.Doorashadii oo suu rabay laysla qaatay
4.Xildhibaanadii Fadaraalka oo uu soo xulayo
5.Jubaland oo looga danbaynayo arimaheeda
6.Dhaqaale cadaan ah oo xoogaaya.

Guusha Axmed Madoobe waxaa suurta galiyay laba arimood oo kala ah…

B.Taageerada Puntland ee hiil iyo hooba lahayd.

T.Axmed oo leh karti,go’aan adayg iyo aragti hogaamineed.

Isku soo wada duuboo Axmed Madoobe waa hogaamiyaha 5-ta sano ee soo socota Dhulweynaha Jubaland.

Jibril Qoobey.