Faallo:-Waxa aan ka duulayo mahan isku dhererinta labo Magaalo!!

Waxa aan ka duulayo mahan isku dhererinta labo Magaalo!!

Ujeedkaygu waa hadaf masiiriya oo reer Puntland wada leeyihiin ilaalintiisa.

Gaalkacyo waa mid ka mid ah Magaalooyinka muhiimka ah ee reer Puntland.

Gaalkacyo Magaalo ay tahay in aysan dayacmin oo leh ahmiyad Juquraafi oo ay tahay in Puntland joogitaan siyaasadeed ay ku leedahay maalin walba.

Majirto khatar xiligan ku wajahan iyo wax looga baqi karo,waxayse ubaahan tahay taxadar joogta ah.

Sidoo kale Bosaso waa xarunta ganacsiga Puntland iyo bu’da Umada.

Bosaso Magaalo aan la hilmaami karin oo qiimo sare ku leh agtiisa muwaadin walba.

Madaxweyne Deni arinka Gaalkacyo dhan buu ka eegay markay timaado goob doorashada,taasoo ah in uu xakamayn waayo doorashada 15-ka Xildhibaan.

Balse waxuu ilaaway ama uu yaraystay Madaxweyne Deni qodob muhiim ah oo ah in aysan marna Magaaladu dareemin maqnaansho siyaasadeed oo Puntland ah.

Isku soo duuboo Deni wali waa ilaalin kara istiraatijiyadeena Mudug ee ah joogitaan joogta ah,waxuuna uwareejin karaa doorashada Seneterada Aqalka-sare ee 11-ka xubnood ah maadaama ay ka saxmad yar yihiin kana urursan yihiin doorashadoodu kuwa Golaha Shacabka.

Dowladnimada Puntland ha xoogaysato.

Jibril Qoobey.