DP World oo iibinaysa Saamiyada Qandaraasyada Dekedaha Bosaso iyo Berbera

Shirkada DP World ee gacanta ku haysa Dekedaha Bosaso iyo Berbera,ayaa iibinaysa qaybo ka mid ah saamiga Qandaraasyadeeda.

Shirkada DP World waxay soo bandhigtay fursado ka banaan Qandaraasyada ay ku haysato labadaa Dekadood.

Fursadaa waxaa soo dalbaday Shirkado laga leeyahay Dalka Srael,waana u ogolaatay DP World in ay ka iibiso saamiyada Qandaraaska Dekedaha Bosaso iyo Berbera.

Somaliland oo arinkan ka war heshay laba Todobaad ka hor,ayaa si cad u hor istaagtay iibinta saamiyada Qandaraaska Dekeda Berbera ee DP World,waxuuna Muuse Biixi amar ku bixiyay saamigii Shirkadu iska iibinayso in marka hore lasoo ogaysiiyo oo ay la socdaan cida laga iibinayo iyo sababta loo iibinayo.

Puntland oo aan weli xogtan soo gaarin,waxaa laga rabaa in ay deg-deg u hawlgasho hakisana iibinta saamiyadaas.

Shirkada DP World iyo Puntland,ayaa xiligan waxaa ka dhex jira isfahan waa xoog badan,waxayna DP World baajisay kulan dhici lahaa 8-15 Aug ee sanadkan.

Dowlada Imaaraadka Carabta,ayaa soo dhexgashay Shirkada iyo Puntland sida aan xogta ku helay.

Madaxweyne Deni maanta,ayuu Kenya ka anba baxay,isagoo kusii jeeda Imaaraadka Carabta waxna kalama socdo iibinta Saamiga Dekeda Bosaso ee DP World.

Khatarta ugu weyn ee jirta,ayaa ah in si ogaansho la’aan ah Shirkada DP World ugu wareejiso kuwo kale Dekedahaas,kuwaasoo noqon kara kuwo khatar ku ah jiritaanka dhuleed iyo Umadeed.

Jibril Qoobey.