Mulkiilihii Black Water oo la wareegaya Garoonka Diyaaradaha Garowe

Garoonka Diyaaradaha Garowe ee Jeneral Maxamed Abshir oo ay la wareegtay Shirkad khatarteeda leh oo uu leeyahay Erik Prince mulkiilihii Black Water.

Shirkada,ayaa lagu magacaabaa Frontier Services Group,waxayna degan tahay Hongkong,iyadoo fulisa arimaha adeega kana hesha Qabdaraasyada Wasaarada Difaaca Maraykanka.

Shirkada waxaa ku diiwaan gashan shaqsiyaad kale oo Shiinays ah,balse Erik oo isqarinaya,ayaa iska leh.

Erik Dean Prince waa qandaraasle ka tirsanaan jiray CIA-da Maraykanka oo badanaa la shaqaysta Dowladaha fashilmay iyo Ururada aan la aqoonsanayn.

Khadar Faroole,ayaa la wata Erik Shirkadan sheegaysa in ay garoonka balaarinayso kana dhigayso mid casriya.

Balse xaqiiqda Shirkadu waa ka duwan tahay sidaas waana mid Macdan baarasho ah mana jirto wax badan oo ay garoonka iyo guud ahaan Puntland ay kusoo kordhinayso.

Khatarta Shirkadan ay uleedahay Puntland,ayaa lagu soo koobi karaa Qodobadan soo socda……..

B.Waxay guran doontaa si la socosho la’aan ah Macdan dhanka Miyiga Nugaal.

T.Majirto wax ay ugu badalayso Puntland Macdantaas ay qaadanayso oo aan ka ahayn balaq loo tuurayo reer Faroole oo horgolo ka ah.

J.Dhamaan Shaqada ay qabtaan Shirkadaha yaryar ee reer Puntland leeyihiin ee Garoonka ka hawlgala oo ay la wareegayso.

X.Sumcada Puntland oo ay ceeb ku tahay maadaama ay dhisayso Xayndaab Xalane oo kale ah oo la dajin doono hay’adaha iyo ajaanibka Puntland jooga iyo kuwa booqashooyinka gaagaaban kusoo gaara.

Kh.Hotelada,Maqaaxiyaha Cunada,Goobaha laga Qaxweeyo iyo dhamaan Adeega Magaalada laga helo oo burburaya,iyadoo Xayndaabkaas laga heli doono adeeg walba.

D.Amaanka Puntland oo ay khatar ku tahay maadaama beel ka mid ah ah kuwa Nugaal degta ,gaar ahaan dhulka garoonka ku dhow ay diidan tahay in la qaato dhulkeeda 15-Km oo dhan walba ah oo ay Shirkadu dalbatay in lagu wareejiyo.

R.Sirdoonka Puntland oo ay khatar ku tahay sababtoo ah Qofka garoonka kasoo dega kadibna qaybta VIP-da lagu xareeyo loona gudbiyo xayndaabkaas oo aysan dabagali karin lana socon karin hawlaha uu qabanayo.

Dhan walba Shirkadan waxay khatar,ceeb iyo bahdil ku tahay Puntland.

Cida kaliya ee ka faa’idaysa waa reer Faroole oo ka helaya Lacag yar iyo Dhul magaca Shirkada lagu qaadan doono.

Madaxtooyada Puntland waa in ay ka fiirsataa arintan oo aysan ku degdegin saxiixeeda,isla markaana aan la aaminin Xasan Deni oo lagu soo daray Dadka wax ka helaya Mashruuca.

Sidoo kale Baarlamaanka Puntland waa in uu uyeeraa Wasaarada Duulista Hawada iyo Xaafiiska Qandaraasyada si Shirkadan hawlaheeda loola socdo,isla markaana heshiiska lala galayo loosoo marsiiyo.

Beesha Reer Yoonis ee Abokor Ciise oo horay uga caraysnayd Dhulkii khayr seexay ee xiligii Faroole markana Dhul kale reer Faroole ugu soo gabanayaan in ay ku qaataan magaca Shirkada iyo dan guud,ayaan ugu baaqaynaa in ay isdajiso oo is xakamayso.

Jibril Qoobey.