Khayre oo markii ugu horaysay ka dhoofay dalka xilka qaadistiisii kadib

Xasan Cali Khayre laba bilood kaddib markii xilka laga qaaday ayay usuurtowday in uu u baxo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah,isagoo ku wajahan Dalka Djibouti!

Kheyre,ayaa sheegay in uu u taagan yahay xilka madaxtinimada Soomaaliya ee 2021.

Socdaalkiisan aysy ubafan tahay in uu taageero dhaqaale ugu raadinayo musharaxnimadiisa.

Sida wararku sheegayaana Dalal ka mid ah Midowga Yurub,gaar ahaan Norway ama Denmark,ayuu ku qabsan doonaa xafladiisii ku dhawaaqista Musharaxnimo maadaama aysan u suurtagalin in uu Muqdisho ku qabsado.

Jibril Qoobey.