Safaaradaha Somaliya dibada ku leedahay oo dhaqaalo la’aan la xirmi raba

19-Safaaradood,ayaa cabasho soo gudbiyay,iyagoo sheegay in la bixiyo dakhliga shaqaalaha ee safaaradaha Dowlada Soomaaliya ku leedahay Dalalka Dibada.

In shaqaalihii Dowlada ee rayidka ahaa iyo Ciidamadii mushahaar la’aan ay ka cawdaan waa wax lala yaabo xiligan,iyadoo 55-Milyan $ oo Baanka Aduunku ku kabay Miisaaniyada lagu soo shubay Baanka dhexe.

Dhaqaalaha dalka soo gala waxba looguma qabto Shacabka misna malaayiintii dolar ee dalka soo galay in Dowladu shaqaalihii ushaqaynayay waxba kasoo gaarsiin waydo waa nasiib daro weyn.

Inta badan lacagtaasi waxay ku baxdaa Xaflado iyo Safaro aan macno badan ulahayn Qaranka.

Jibril Qoobey.