Xaalka Itoobiya oo cirka isku sii shareeray

Dowlada Deegaanka Tigreega,ayaa uyeeratay xubnaha Dowlada dhexe ee Adis-ababa ku matala.

Dhamaan Xildhibaanada iyo Wasiirada ku jira Dowlada Dhexe ee kasoo jeeda Deegaanka Tigreega,ayaa lagu amray in ay soo xaroodaan.

” Xisbiga TPLF qayb kama aha hanaanka sharciga baal-marsan ee ay Dawlada dhexe mudo kororsiga ku samaysatay sidaas daraadeed dhamaan Xubnaha ngu matala waa in ay xarunta Xisbiga TPLF iska soo xaadiriyaan.”

Dowlada Tigreegu waxay ugu baaqday beesha caalamka in ay xaalka soo faragaliso oo ay Itoobiya ka badbaadiso burbur.

Itoobiya waxay cagta saartay Wadadii burburka iyo kala qaybsanaanta.

Jibril Qoobey.