Ma dhisi doontaa DP World Dekeda Bosaso??

Sida ay xaqiijinayaan xogo la helayo majiri doonto in DP World ay balaaarin ku samayso Dekeda Bosaso sida uu dhigayo heshiiskii ay la gashay Puntland.

Sidoo kale Puntland kama bixi doonto heshiiskaas laba sababood awgood,kuwaasoo kala ah…

1.Puntland oo aan heli karin dhaqaalaha ay tahay in loo celiyo DP World.

2.Danaha Puntland ee ku xiran Imaaraadka oo caajis galinaya go’aan walba oo ay qaadan karto Dowlada.

DP World waligeed ma dhisi doonto Dekeda Bosaso oo waxay ku hayn doontaa sida ay hada tahay hadafkeeduna waa boos celis iyo in aan qolo kale usoo gacan dhaafin,sida warku sheegayo.

Madaxweyne Deni waxuu la yaabay markuu arkay heshiiska Madaxweynihii hore ee Gaas uu la galay DP World,sida xogtu xaqiijinayso.

Sidoo kale Deni waxaa fajaciso ku noqotay Lacagta Dadka loo sheegay in laga qaaday Shirkada iyo mida ku cad heshiiska lagu wareejiyay.

60-Milyan $,ayaa ku qoran in DP World ay ku bixisay heshiiska ay kula wareegtay Dekeda Bosaso,halka Shacabka loo sheegay in 15-Milyan $ laga qaaday Shirkada.

Waraysi uu bixiyay kal hore Madaxweyne Gaas,ayuu ku yiri……..”Sun Alle hayga dhigo hadii aniga iyo Qoyskayga lacagtaas wax naga soo gaareen”.

Balse waxaa cadayn loo hayaa in Madaxweyne Gaas iyo Qoyskiisu ay ka gateen ugu yaraan Afar Guri Dalalka Kenya,Maraykanka iyo Imaaraadka.

J8bril Qoobey.