Qarax Dad badan baabi’iyay oo ka dhacay agagaarka Balcad

Gaari Bas ah oo Rakaab ka qaaday Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Jowhar,ayaa lagu qarxiyay isagoo maraya deegaan udhow Degmada Balcad sida laxaqiijiyay.

Dhamaan dadkii saarna uu kabadnaa labaatameeyo hal qof oo ka badbaaday majiro.

Dawladu waxay ku guulaysan la dahay jidka isku xira Balcad iyo Muqdisho oo isku jira wax ka yar 50-km in ay sugto amniga iyo badqabka dadwaynaha ee ku safraya jidkaas isku xira Muqdisho iyo magaalooyinka ku dhow dhow,iyadoo dawladu ciidamo ku daabulayso Gobolo amni ah oo aad uga durugsan.

FOGAANTA UDHAXAYSA G/DALKA
Fogaanta u dhaxaysa magaalo madaxda Xamar iyo magaala madaxyada Gobolada dalka soomaaliya.

  1. Xamar iyo Baydhabo waxay isku jiraan 250km
  2. Xamar iyo Marka ……………………………………………………………….. 110km
  3. Xamar iyo Jowhar ……………………………………………………………….. 90km
  4. Xamar iyo Beled weyne ………………………………………………………. 360km
  5. Xamar iyo Bu’aale ……………………………………………………………… 485km
  6. Xamar iyo Kismaayo …………………………………………………………. 500km
  7. Xamar iyo Xudur ……………………………………………………………… 430km
  8. Xamar iyo Garbahaarey ……………………………………………………… 505km
  9. Xamar iyo Dhuusomareeb …………………………………………………… 550km
  10. Xamar iyo Galkacyo ……………………………………………………….. 750km
  11. Xamar iyo Garoowe ………………………………………………………… 925km
  12. Xamar iyo Boosaso ……………………………………………………….. 1505km
  13. Xamar iyo Laascaanood ………………………………………………… 1220km
  14. Xamar iyo Burco ……………………………………………………………. 1340km
  15. Xamar iyo Hargaysa ……………………………………………………. 1600km
  16. Xamar iyo Baki ………. …………………………………………………. 1800km
  17. Xamar iyo Ceerigaabo …………………………………………………… 1450km

Waa inta ay isku jiraan caasimada dalka iyo Gobolada dalku is waydii dawladu intay gacanta ku hayso waxad dareemaysa in aysan jirin wax gacanta ugu jiraba.

Tusaale waxaa kuugu filan xamar iyo Jowhar oo isku jira wax kayar 90-km iyo sidoo kale xamar iyo marka oo isku jira 110 km ayay dawladu isku furi la’dahay jidka isku xira waana labada Gobol ee labada dhinac ka jira Muqdisho.

Ogow waxaan ka hadlaynaa maaha Dowlad Goboleed ee waa Dowlada Fadaraalka Somaliya oo sheegata in haysato Ciidan ka badan 25.000 Askari ayna caawiyaan 23.000 oo Ciidan Nabad ilaalin ah.

Jibril Qoobey.