Baafin:-Gudoomiyihii Gobolka Mudug??

Gudoomiyihii Gobolka Mudug Nuuryare Kamas markii ugu danbaysay waxuu joogay Muqdisho oo uu uga sii anba baxay Nayrobi oo uu ku leeyahay ganacsi ugaar ah.

Gudoomiye Kamas waxay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay in uu olale ugu jiro Seneter Aqalka-sare ah.

Gobolka Mudug oo ah mid xasaasiya oo ubaahan hogaan si maalinla ah uga hawlgala ayay dib udhac ku tahay maqnaanshaha Gudoomiyaha Gobolka.

Sidoo kale hanqal taaga Gudoomiye Kamas ee jago kale waxay keenaysaa dayac ku yimaada shaqada Gobolka.

Mudug waa Gobol soo kabanayay isbadalo waa weyna lagu sameeyay dhan walba mudooyinkii udanbeeyay.

Madaxweyne Deni waa in uu jaleecaa maqnaanshaha Gudoomiyaha Gobolka Mudug.

Jibril Qoobey.