Ciidamada oo kasoo baxay Deegaano ku hareeraysan Balcad

Ciidanka ka amar qaata Dowlada dhexe ee Somaliya,ayaa isaga baxay deegaanada ka xiga dhinaca galbeed magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Maleeshiyada Alshabaab,ayaa dib ugu soo laabtay Deegaanada ay baneeyeen ciidankaaas.

Deegaanada ay ka baxeen ciidamada waxaa ka mid ah..

Basra
Daniga Baalow
Buulo Kuunto
Walamoy

Degmada Balcad,ayaa u jirta illaa 30-KM magaalada Muqdisho,waxaana hore dhowr jeer u soo weeraray Maleeshiyada Al Shabaab,iyadoo wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in ay jirto cabsi xoog leh.

Si rasmi ah uma cada sababta Ciidamada kasoo saartay Deegaamadaas.

Muqdisho maanta in diyaarad lagu galo maahee Gaari laguma geli karo inta badan Wadooyinka soo gala waxaa la wareegay Alshabaab.

Jibril Qoobey.