XOG MUHIIMA: LACAGTA LA JOOJIYAY TIGREEGA MA SAAMAYN KARTAA?

Dad baddan ayaa nasoo waydiinaya sidda ay u saameyn karto lacagaha kabista ee Tigreega laga joojiyay. Bal si aad u fahantaan qoddobadan hoose marka hore fahma.

  1. Maamulka Tigreega waxa laga joojiyay waa miisaniyadii kabista ahayd ee Deeganada la siin jiray; dalka dhaqalihiisu waxaa loo qaybiyaa Afar qaybtood, kharashadka Hawl-fulinta iyo masharicaha loo qoondeyo Dawladda dhexe ayaa maamusha. Qaybta saddexaad oo ah kabistana waxaa loo qaybiyaa Deeganada, qaybta afraad oo aad u koobana waxaa loo qoondeya masharicda SDG-ga IWM.
  2. Deeganada kabistooda waxaa lagu qiimeeyaa qaacidada qamarka,waxaana la eega hadba dakhliga ay soosaaran,kharashadkooda,cimilada, Canshuurta Faa’idada iyo qoddobo kale oo ay tirada dadwaynuhu kujirto.
  3. Deeganka Tigreega waxaa lagu kabaa 10-Billion lacag gaadhaysa, balse miisaaniyada ay sannadkii tagay ansixiyeen ayaa gaadhaysay 20-Billion. Arrintaas waxay muujinaysaa in waxa lagu kabo ka baddan ay soo saaraan.
  4. Meel gaaban haddaan idinka tuso, Tigreegu muddaday xilka hayeen lacagihii ay dhaceen maysan qabsanin. Waxay sameeyeen dalad lagu magacaabo EFFORT oo middeysa shirkado waawayn oo tirabadan. Shirkadahan waxaa kamida Bangiyo,kuwa caymisa,kuwa wax dhoofiya,kuwa wax soo dajiya,kuwa wax dhisa,kuwa macdanta ka shaqeeya,kuwa beeraha ku hawlan,kuwa sibidhka soosaara iyo waliba warshado Daawada soo saara. (Shirkada kale way jirraan balse kooxda TPLF ayaa share-ka ubbadan ku leh kuwan)
  5. Inta ilaha dakhli ee kalee dalka aanla gaadhin shirkadaha ku middeysan dalada Effort,wuxuu Deegankaas ka uruuriyaa canshuur gaadhaysa saddex bilyan oo birr(3-Billion Birr). Waa canshuur u dhigtan inta sannadkii lagasoo saaro Deegankeena.
  6. Deeganka Tigreegu waa meesha labbaad ee ugu wanaagsan canshuur ururinta, kaliya caasimada dalka ayaa ka horeysa.

Canshuuraha la qaadayo heer Federaal iyo heer Deegaan ayaa loo kala uruuriya, Dastuurka Itoobiya qoddobada 96-aad iyo 97-aad ayaana kala xaddeynaya. (Canshuraha jibriga,Vat-ka,Income tax,profit tax Iwm ayaa kamida).

Haddii xiisadu xumaato TPLF waxaa u qorshaysan innay canshuurtaas uruursadaan,waxaa kaloo u qorshaysan innay hakiyaan dahabka ay bangiga Itoobiya ka iibiyaan.
(Arrimahana koley way kasii baaran dageen intaysan Dawladda dhexe weerarka ku bilaabin)

GABO-GABO

iskusoo duubo anniga markaan dhankasta ka eegay iima muuqata halis wayn oo ka iman karta lacagaha kabista ee la joojiyay. Haddii dadka caddaadis dhaqaale la saarana kooxdan TPLF ayay fursad u tahay, oo waxay shacabka caddaw uga dhigayaan Dawladda Federaalka.

W-q;Macalinka Soomaliyeed(Ms)