Maxaa ka socda Jubaland??

Madaxweyne Axmed Madoobe waxuu ku sugan yahay Nayrobi.

Arimaha uu joogo marka laga soo tago galaangalka siyaasiga ah waa caafimaadkiisa wax ku saabsan.

Sidoo kale waxaa Nayrobi kusii hakaday una sii socda wafti uu hogaaminayo M-xigeenka 1-aad Maxamuud Sayid Aadan oo ay qayb ka yihiin Wasiir Jire iyo Gudoomiye MMD.

Itoobiya,ayaa usoo dirtay casuumada waftiga Jubaland,iyada,ayaana codsatay wadahadal dhexmara.

Itoobiya waxay dareemaysaa in Maamulka Villa Somaliya gabalkiisu sii dhacayo oo ay tahay in ay wax la qabsato kuwa lama huraanka ah ee ay ka midka tahay Jubaland.

Kismaayo waxaa ku sugan Ciidan Itoobiyaana oo qayb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta ee Amisom.

Waftiga Jubaland waxay ubadan tahay in ay gaaraan Itoobiya Maalinka Axada ah.

Jibril Qoobey.