Maxay yihiin Shuruudaha laga rabo Ergada dooranaysa Xildhibaanada?

Shuruudaha laga rabo Qofka ka mid noqonaya Ergada dooran doonta Xildhibaanada Fadaraalka.

Weli lama shaacin ee waa hordhac ah laysla qaatay qodobadan hoos ku qoran….

  1. In uu Soomali yahay.
  2. In uu yahay qof miyir qab ah oo aan qabin caafimaad darro maskaxeed.
  3. Inuu yahay qof u dhashay Qabiilka xubinta leh. Dhalashada ugu sareysa wadaagga Kursiga.
  4. Inuu wax akhrin karo, waxna qori karo.
  5. Inuu yahay shakhsi aan dembi loo haysan ama Maxakamad ku xukuntay Xabsi wakhtiga doorashada.
  6. Inuu yahay Shakhsi Alle ka cabsi leh, dal jacayl leh, oo aan doonayn qaadashada laaluush mid lacageed ama badeeco.
  7. Inuu yahay Shakhsi ay soo xaqiijiyeen Madaxa ama Madaxda Dhaqanka ee Beesha Kursiga leh.
  8. Inuu ka dheeraado wax kasta oo khal khal abuuri kara af iyo addinba.
  9. In uusan fara gelin ku sameyn go’aamada iyo jiheynta Guddiyada Doorashda.
  10. Inuu ahaado qof codbixintiisa u madaxbanaan. Doorto xubintii uu arko in ay buuxin karto shuruudaha Doorashooyinka iyo fulinta shaqada loo igmaday si Alle ka cabsi ah.

Shuruudahan waa kuwo mudnaan leh oo loo baahnaa.

Jibril Qoobey.