Rooble weli waa ku dhawaaqi la’a yahay Wasiirada

Rooble weli waa ku dhawaaqi la’a yahay Wasiirada.

Waxa ugu weyn ee hor taagan waxay tahay Fahad ogolaanshihiisa.

Doodu waxay ka taagan tahay shaqsigii Rooble qaato in kooxda Fahad lasoo marsiiyo,kadibna ay faaf reeb iyaga danahooda ku aadan soo marsiiyaan.

Dhanka Puntland,gaar ahaan Wasiirka ugu miisaanka culus golaha oo marka laga soo tago Madaxweynaha iyo RW ah awooda 3-aad,waxaa Raga soo doontay ugu miisaan culus 5-Nin oo kala ah..

1.Cawadka hada sii haya.
2.Cabdirisaaq Burgal
3.Cali Xaaji Warsame
4.Cabdi Siciid.
5.Burhaan Dio Mio.

Is reeb reebka waxaa kusoo haray Burhaan oo RW wato iyo Cawad Fahad wato.

Cawad waa Nin lasoo shaqeeyay kooxda leh Astaamaha ay rabaan ugu yaraana aan dhib ugaysanayn.

Burhaan waa Nin ka duwan Cawad oo leh dhaqamo aysan jeclayn kooxdu,kuwaasoo laga tilmaami karo…

1.Nin xiriir badan leh.
2.Nin Puntland aad u aamisan
3.Nin Aragti iyo hogaamin rabaaniya leh.
4.Nin furfuran oo soo jiidasho leh
5.Nin si weyn ugu xiran Beesha caalamka

Kooxda Fahad waxay rabaan Wasiir olalaha kala qayb qaata oo ugu yaraan haduusan wax kusoo kordhin aan wax udhimin ama wax ku noqon.

Dad badan,ayaa qaba Wasiir 3-bilood ah in wakhti lagu lumiyo aysan macno lahayn,isla markaana Rooble laftigiisu uusanba ku mashquulin magacowgooda.

Jibril Qoobey.