Video:-Sidee wax uga dhaceen Iskuulka Ganbool Garowe?

Khaladka maanta keenay banaanbaxa Ardayda ee khasaaraha dhaliyay waxaa sababay cadaalad daro uu horay ugu kacay Agaasimaha Guud Farmayeeri.

Si khaldan,ayuu xilkii uga qaaday Maamulihii Iskuulka ee ka horeeyay kan hada jooga.

Maamulihii hore waxuu ahaa Nin Ardaydu jeclayd Iskuulkana uwanaagsanaa.

Kadib Maamulahan hada jooga Iskoolka ee ku yimid sifada aan saxda ahayn waxay madaxa isla galeen Ardaydii iyo Macalimiintii.

Ugu danbayn Wasaaradu waxay soo faragalisay xaalka Iskuulka waxayna shaqo joojin ku samaysay Maamulihii Agaasimaha Guud keensaday Gudi wax baarana ayayna magacawday.

Ardaydu eed maleh ee waxaa wax khalday waa Agaasinka Guud.

Jibril Qoobey.

Halkan ka daawo muuqaalka