Xulufada Imaaraadka oo dalbaday in la xiro Saldhiga Turkiga Ee Qatar

Ciidamada Turkiga ee jooga Qatar waa qeyb ka mid ah xasilooni darrada gobolka Khaliijka, waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo u dhashay Imaaraadka Carabta, oo intaas ku daray inay uga sii darayaan kala qeyb-sanaanta gobolka.

Imaaraadka Carabta iyo xulufo Carbeed oo ay qeyb ka yihiin ayaa go’doon geliyey Qatar bartamihii 2017, waxayna dalbadeen in la fuliyo shuruudo ay ka mid yihiin in Doha ay xirto saldhigga militari ee Turkish-ka ay halkaas ku leeyihiin.

Ankara iyo Abu Dhabi ayaa sidoo kale kala taageera dhinacyada isku haya dagaalka Libya.

“Jiritaanka saldhigga Turkiga ee Gacanka Carbeed waa xaalad deg deg ah,” ayuu yiri Anwar Gargash oo ah wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Imaaraadka oo qoraal soo dhigay Twitter-ka.

“Waxa uu xoojinayaa kala qeybsanaanta, mana ixtiraamayo madax-banaanida dalalka gobolka, danaha dalalka Khaliijka iyo shacabkooda.”

Mareykanka oo doonaya in dalalka Khaliijka ay u midoobaan Iran ayaa isku dayey inuu xaliyo muranka Qatar iyo xulufada Carbeed ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay hoggaamiyaan, hase yeeshee weli kuma guuleysan.

9-kii September, diblomaasiga ugu sarreeya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Bariga Dhexe David Schenker ayaa sheegay inuu jiro horuamr toddobaadyadii tegay laga sameeyey xalinta xiisaddan.

Diblomaasiyiin iyo ilo-wareedyo ku sugan Khaliijka ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu jiro wada-hadal u dhaxeeya Riyadh iyo Doha, kadib wada-hadalladii burburay horraantii sanadkan, hase yeeshee ma jiraan wax astaamo ah oo muujinaya horumar laga sameeyey.

REUTERS