Muxuu ka yiri dhagaxaanta Muqdisho C.C.Warsame??

Saaxiibkeey ayaa wax iga waydiiyey dhagxaanta waddooyinka laga qaadayo. Waxaan ku iri, madaxweynaha wuxuu rabaa in uu fuliyo ballanqaadkii ololahiisa doorashada ee 4 sano ka hor ahaa. Oo muxuu ahaa ballanqaadkaas maba xasuustee ayuu i yiri? Waxaan ku iri, in jidadka xiran la furo, qofkii soo sheega qaraxna boqol kun oo doolar la siiyo, nabaddoonna uu noqdo. Waxaan iri waxaan sugnaa maalmaha soo socda waa abaal marin loo bixiyo $100k, lana siinayo dad la oranayo xog qarax ayey soo sheegeen iyo odayaal dhaqan oo oranaya madaxweynaha waa nabaddoon.

Wuxuu i waydiiyey oo sidee shacabka loogu abaal sheeganayaa in laga qaaday dhagxaan intooda badan 4tii sano ee xukunkiisa waddooyinka la dhigay? Waxaan ku iri, madaxweynaha iyo kooxdiisa ololaha doorashada waxay isku sheegeen in ay shacabka siri karaan, caqliga dadwaynaha ku xad-gudbi karaan. Wuxuu i waydiiyey wixii uu Madaxweynaha bi’iyey maxaa laga yeelayaa? Waxaan ku iri, Raysalwasaarihii xilka laga tuuray ayaa eeddaas dusha loo saarayaa.

C C.Warsame.