Video:-Hogaamiyihii naxariista darnaa Ee W.Kuuriya oo ilmo ka qubatay

Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa u muuqday inay ilmo ka qubaneysay markii uu dhammaadkii toddobaadka la hadlay shacabkiisa, isaga oo uga mahad-celinaya naf hurnimada ay sameeyeen.

Inkasta oo Kim uu sii xajistay xukunkiisa dalka go’doosan, ayaa haddana dadka fallanqeeya siyaasadda Korea-da Waqooyi waxay sheegayaan in Kim u muuqday mid isu muujinaya inuu yahay hoggaamiye ka duwan aabihii Kim Jong Il.

Isaga oo ka hadlayey dhoola-tus militari Sabtidii, ayaa Kim waxaa qaaday dareen xilli uu ciidamadiisa uga mahd-celinayey jawaabtii ay ka bixiyeen musiibooyinka dabiiciga ah ee dalkaas, ayna ka hortageen faafitaanka cudurka Coronavirus.

Waxa uu sidoo kale shacabka uga cudur daartay inuu ku guul-darreystay inuu sare u qaado oo uu wanaajiyo heerka noloshooda.

“Xishoodka iyo daacadnimada uu muujiyey Kim, isaga oo ilmeynaya oo sixanaya, waxay ahaayeen kuwa aan caadi ahayn, xitaa marka loo eego qof si shaacsan u qiranaya guul-darooyinkiisa,” waxaa sidaas tiri Rachel Minyoung Lee, oo ah cilmi-baare madax-banaan iyo fallanqeeye hore oo arrimaha Korea-da Waqooyi u qaabilsaneyd dowladda Mareykanka.

“Khudbadda oo ay aheyd mid si taxaddar leh loo qaabeeyey si loola jaan-qaado shacabka, waxay ka dhigeysaa Kim mid u muuqda hoggaamiye karti iyo soo jiidasho iyo dhinac bani’aadannimo leh,” ayey tiri.

Kim ayaa culeysyada dhaqaale ee Korea-da Waqooyi ay wajaheyso wuxuu ku eedeeyey cunaqabateenada caalamiga ah ee saaran Korea-da Waqooyi, cudurka Coronavirus, iyo dabeylo iyo daadad is xig-xigay oo dalkaas ku habsaday.

REUTERS

Halkan ka daawo muuqaalka